Ducada Walidka logu duceyo

Ilaahay (swt) ayaa u dardaarmay insaanka inay waalidkood kula dhaqmaan wanaag iyo khayr, xitaa hadii ay yihiin waalid gaal ah, sababtoo ah waalidka xuquuqdiisu aadbay u wayntahay, lamana soo gudi karo. Xuquuqda waalidku leeyahay waxa kamid ah in loo duceeyo noloshooda iyo dhimashadoodaba. وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا ﴿٢٤﴾... Continue Reading →

Sideen usoo gudnaa salaadihii inaga tagay?

Salaadu waa udub dhexaadka diinta Islaamka, waxaanu Ilaahay faray dadka Muslimiinta ah inay tukadaan salaadaha waqtigii loogu talo galay. Dadka salaadu ay ka tagtay waa laba nooc , mid waxay salaadu uga tagtay isagoo haysta cudurdaar kana kalena waxay uga tagtay si badheedha oo kas ah: Taas macnaheedu maaha inuu qofku iska seexdo oo uu... Continue Reading →

Kafaaro gudka Xanta iyo sida looga toobad keeno

Halista Xanta Xantu waa inaad walaalkaa ka sheegto wax uu necebyahay, waxayna bulshada ku keentaa dhibaatooyin waaweyn oo la taabankaro. Waxaad qiyaastaa xantu imisa guri oo Muslima ayey burburisay, imisa dagaal ayey sababtay, imisa nooc oo dulmi ah ayey aabo u tahay. Dabcan waxa dhib dhex taala bani aadamku waxay ka bilaabantaa afka, kadibna waxay... Continue Reading →

Mala dhaqan karaa Bisadaha iyo EEyda?

Bisadaha: Bisadaha dhib malaha in la dhaqdo hadii aanay cid kale lahayn, isla markaana ay caafimaad qabaan oo aan looga cabsanayn inay cuduro sii gudbiyaan. Sidoo kale waa in qofka dhaqanaya bisaduhu siiyaa cuntadoodii iyo cabitaankoodii, hadii aanu awoodin waa inuu faraha ka qaado oo aanu xabisin, si ay dhulka Ilaahay uga raadsato irsaaqadeeda. Waxa... Continue Reading →

Shan Ka Faa’ideyso Inteysan Shan Kugu Imaan

Walaalkayga muslinka ahow waxaan ognahay inaynu muslim ahayn mudo ka badan 14 qarni, oo aynu suubanaha Rasuulkeeniiﷺ ka dhaxalnay kitaabka (Quraanka Kariimka) ah oo kalaamkii Ilaahay iyo sunnaha Rasuul keennii Nabi Muxammadﷺ, sida ku cad axaadiista Rasuulkaﷺ ee inoo dardaarmay, asaga oo leh… ‘’Waxaan idiinka tagay labada aamusan ee raaca kuwaasoo ah Kitaabka Quraanka ah iyo... Continue Reading →

Qaangaarka haweenka iyo Xijaabka

Wiilka iyo gabadhuba waxay ku qaangaadhaan markay arkaan calaamadahan mid kamida: Inay gaadhaan da’da shan iyo toban sanadood. Inay arkaan biyo “Manida” soo jeed ama hurdo kuu doonaba ha ahaadee. Hadii ay soo baxaan timaha adag ee kasoo baxa inta u dhaxaysa cawrada iyo xudunta. Gabadhuna waxay intaas dheertahay laba calaamadood oo kale waana: Inay... Continue Reading →

Dheelminta iyo Qaadidda Nabiga SCW

Dheelminta iyo Qaadidda Nabiga Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee Dheelminta nabiga waxaa caddeeyay Quraanka iyo xaddiiska saxiixa ah kolka waxaa waajib ah in la rumeeyo in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee Eebbe dheelmay habeennimo asiga oo Maka ka baxay oo masjidka al-Aqsaa u baxay. Hase ahaatee, fuullinta (Micraajka) wuxuu ku caddyahay xaddiiska,... Continue Reading →

Soojireennimada Eebbe waqti ma aha

Soojireennimada Eebbe waqti ma aha Eebbe kor ahaayee, wuxuu jiray waqtiga iyo meesha ka hor, iyo gudcurka iyo ilayska ka hor, kolka asigu kor ahaayee ka mid ma aha caalamka cufan sida dhulka iyo dhagaxa iyo xiddigaha iyo dhirta iyo dadka, mana aha caalamka fudud sida ilayska iyo ruuxa iyo hawada iyo jinniga iyo malaa'ikta... Continue Reading →

Gaaleysiinta muslimiinta Nabigooda ku amaana burdaha .

Beytka eey wahaabiyada ku gaaleeysiiyaan muslimiinta Nabigooda ku ammaana burdaha waa beytakaan ....iyagoon fahmin macnaha beytkaan. Micnuhu wa sidaan ee nala arka ..... ‎يا اكرم الخلق مالي من ألوذ به ##### سواك عند الحلول حادث العمم Beydkaas   waa qeybtii saa hore ..يا اكرم الخلق مالي من ألوذ سواك. به waana Sidan "Kii ugu karaama Iyo... Continue Reading →

​Salafiyada maanta Iyo salafka Nabiga inoo tilmaamay farqigee u dhaxeeya ?

Waxaa soo ifbaxay kooxo sheeganaya salafiya oo dhabtu caqiidadadoodu tahay tan wahaabiyada ee Mohamed Cabdi wahaab Keenay iyadoo markaas doonaya ineey daboolaaan caqiidadadooduiyo  magacooda wahaabiyada deeto la baxay SALAFIYA iyagoo iska dhigaya ineey ku taagan yihiin wadadii salafka oo eey Diinta u yihiin difaaca yaal Laakiin dhabtu saa ka fog . Nabiga caleyhi salaatu wasalaam... Continue Reading →

Xukunka Sekada

Xukunka Sekada Ma bannaana in sekada la siiyo cid aan ahayn siddeedda qolo ee Quraanku sheegay oo ah: (Saddaqada "Sekada" waxaa uun mudan fuqarada, masaakiinta, kuwa sekada ka shaqeeya, kuwa la soodhawayn laabtooda, kuwa addoonsiga ku jira, kuwa qaamaysan, kuwa jihaadaya, iyo midka socdaalka ah, waana faral Eebbe yeelay, Eebbe ayaana ah cilmi badane xigmad... Continue Reading →

Waa kuma Mahdigu?

Waa kuma Mahdigu? Waa maxay Macnaha Mahdigu? Macnaha Mahdigu waa ruux Alle ku hanuuniyey jidka toosan, waxaana rumaysan imaanshihiisa Sunniga iyo Shiicadaba, hase ahaatee mahdiga Shiicadu ay sugayaan waa mid gabi ahaanba ka duwan ka kusoo arooray axaadiista saxiixa ah. Sida caadiga ahna marka Rasuulka Alle (scw) ka warramao arrin qayb oo mustaqbalka dhacaysa waxa... Continue Reading →

Al Jarx Wa tacdiil }  cilmiga xadithka qeybtii 2aad

Bismilaah Dersigani waa kii labaad ee aan kaga hadalno Jarxiga iyo Tacdiilka. Si aad u fahantid dersigan waxaa fiican inaad soo akhrisid Qeybtiisa 1aad inshaAllah. Dersigan waxaanu kaga hadli doonaa , qofkan wax jarxinaya ama tacdiilinaya sifa nooce ah ayaa laga rabaa.. Sidoo kale maxay tahay alfaada/erayada/odhaahda ay isticmaalaan cuimada loo yaqaan “culamaa’ul jarx wa... Continue Reading →

Blog at WordPress.com.

Up ↑