Dhaxalka Dumarka ee Islaamka:

Dad badan oo aan cilmi lahayn waxay u haystaan in islaamku dulmiyey haweenka oo dhaxalkooda uu ka dhigay ninka badhkii, hase ahaatee dadkaasi ma fahansana xikmada ku jirta arrintaas, sidoo kale ma oga in dumarku xaaladaha qaar ay ninka ka dhaxal bataan, ama ay isku in qaataan, ama gabadhu ay dhaxasho oo ninkuna aanu waxba helin.

Ugu Horeyn:

Ruuxa muslimka ah wuxuu rumaysanyahay in Ilaahay yahay caadil, sidoo kalena uu xukumo wuxuu doono oo aan cidina Ilaahay wax u yeedhin, subxaanahu. Sidaas darteed ruuxa muslimka ah waxa la haboon inuu Ilaahay u hogaansaado mar walba, ha ogaado xikamada ku jirta ama yaanu ogaaninba.

Ta labaad:

Dhaxalku islaamka agtiisa, ninkuna qeyb ayuu dhaxalka ku yeeshaa  sidoo kale gabadhuna qeyb ayey dhaxalka ku yeelataa, wuxuuna Ilaahay dhahay:

لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا تَرَكَ الْوَالِدَانِ وَالْأَقْرَبُونَ وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِّمَّا تَرَكَ الْوَالِدَانِ وَالْأَقْرَبُونَ مِمَّا قَلَّ مِنْهُ أَوْ كَثُرَ ۚ نَصِيبًا مَّفْرُوضًا (7)

“Raggu qeyb ayey ku leeyihiin wixii waalidka ama qaraabadu ay ka tageen, dumarkuna qeyb ayey ku leeyihiin wixii waalidku ama qaraabadu ay ka tageen, ha yaraado ama ha waynaado, waa qeyb xadidan (oo Ilaahay faral yeelay)” [Suuratu Nisaa’:7]

Sababta aayadani usoo dagtayna waxa weeye, dadkii jaahiliga ahaa ayaa dumarka iyo caruurta ka qadin jiray dhaxalka, oo kaliya waxa wax dhaxli jira nimanka waaweyn, kadibna Ilaahay wuxuu soo dajiyey aayadan oo cadaynaysa in dumarka iyo caruurtu ay qeyb ku leeyihiin dhaxalka sida ragguba ay qeybta ugu leeyihiin.

Dabcan diinta islaamku waxay siisay haweenka xuquuqdooda dhaxal oo dhamaystiran, taasoo ku dhisan xikmadii Ilaahay iyo cadaaladiisa, halka diimaha kale aad arkayso in wiilka curad oo kaliya uu dhaxlayo aabihii, ama wiilasha oo kaliya ay dhaxlayaan aabahood, habluhuna aanay qeybnaba ku lahayn, ha yaraato ama ha badnaatee. Sidoo kale waxaad arkaysaa in ninka xaaskiisa ka dhintay aanay waxba dhaxlaynin ee ayada la dhaxlayo oo ninkeedii dhintay walaalkeed uu dhaxlayo.

Xeerarka maanta aduunyada ka jira, waxay kusoo biyo shubteen in dhaxalku uu noqdo mid ay xukunto dardaaran, sidaas darteed ayeynu u arkaynaa dad xoolahaood u dardaarmayaa eyda, bisadaha ayadoo ehelkooda iyo qaraabadooduba ay baahanyihin, ayna xaq u leeyihiin inay dhaxlaan.

Xaaladaha kala duwan ee gabadhu ku dhaxasho islaamka agtiisa:

Gabadha oo helaysa ninka badhkiisa:

Mararka qaarkood gabadhu waxa dhaxalkeedu noqdaa ninka badhkiisa, sida gabadha iyo walaalkeed. Tusaale: Nin ayaa geeriyooday, wuxuuna ka tagay wiil iyo gabadh, waxaanu hanti ka dhintay sadex kun oo doolaar. Markaa xoolihii waxa loo qeybinaya sadex qaybood, laba kun waxa qadanaya wiilka, halka gabadhuna ay ka qaadanayso kun doolar. Waxaana u daliila aayadan:

 يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنْثَيَيْنِ {النساء:11}

Waxa Ilaahay idiin dardaarmayaa ubadkiina in ka lab uu leeyahay qeybta laba dhadig. [Suuratu Nisaa:11]

Xikmada ku jirta in gabadhu ay xaaladan hesho ninka badhkiisa waxa weeye, maadaama wiilku uu ka yahay masuul walaashiis, isaga ayey ku waajibaysaa quudinteedu. Sidoo kale ninka waxa Ilaahay ku waajibiyey inuu bixiyo biilka reerkiisa, guriga reerkiisa, biilka hooyadii iyo aabihii.

Halka gabadha aan biilku waajib ku ahayn, ee ayada la siinayo biilka, hadii aabaheed noolyahay waxa kharashkeeda bixinaya aahabeed, hadii la qabana ninkeeda, hadii aanay ubad lahayna walaalkeed. Marwalba gabadha muslimada ah cidbaa ka masuula bixinta quudkeeda iyo kharashkeeda, sidaas darteed maadaama wiilku uu xanbaarsanyahay masuuliyadaas wayn, waxa Ilaahay siiyey laban laabka gabadha.

Gabadha iyo ninka dhaxalkoodu is leegayahay.

Mararka qaarkood gabadha iyo ninkuba waxay dhaxlaan ayagoo dhaxalkoodu is leegyahay, sida aabaha iyo hooyada marka wiilkoodii dhintay uu ubad ka tagay: Tusaale, nin ayaa dhintay wuxuuna ka tagay wiil, aabihii iyo hooyadii, iyo xaaskiisii wuxuuna ka dhintay hanti dhan 2400 oo dollar.

Markan, hooyada iyo aabaha waxay qaadanaya (sudus) lix dalool hal dalool mid walba, wayna ka simanyihiin inta hooyo iyo aabe qaadanayaan, ayadoo hooyadu ay dhadig tahay, ayey hadana la mid noqotay aabihii oo nin ah. Dabcan xaaskuna waxay qaadanayaa (thumun) sideed dalool hal dalool, wiilkuna wixii soo hadhaybuu qaadanayaa.

Xoolaha waxa loo qeybinayaa 24 qeybood, aabuhu wuxuu leeyahay sudus, oo u dhigmaysa 4, hooyaduna waxay leedahay sudus oo u dhigmaysa 4 dalool, xaaskuna waxay leedahay thumun oo u dhigmaysa 3, halka wiilkuna uu qaadanayo baaqiga inta soo hadhay oo ah 13. Markaa aabuhuu wuxuu qaatay 4000 oo dollar, hooyaduna 4000 oo dollar, xaaskuna 3000 oo dollar, wiilkuna baaqiga soo hadhay oo ah 13000 oo dollar.

Waxaana u daliila aayadahan iyo xadiiskan:

وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَاحِدٍ مِنْهُمَا السُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِنْ كَانَ لَهُ وَلَدٌ {النساء: 11}.

“Waalidkana (aabe iyo hooyo) mid kastoo kamida wuxuu mudan sudus (lix meelood, hal meel) hadii uu ka dhintay caruur” [Nisa:11]

Xaaskuna waa thumun (sideed meelood hal meel), waxaana u daliila:

 فَإِنْ كَانَ لَكُمْ وَلَدٌ فَلَهُنَّ الثُّمُنُ مِمَّا تَرَكْتُمْ

“Hadii lahaydeen caruur, waxay mudanayaan (xaaska) thumun (sideed meelood hal meel) wixii aad ka tagateen” [Nisa:12]

Wiilkuna wixii soo hadhaybuu qaadanayaa:

عن ابن عباس قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ألحقوا الفرائض بأهلها فما بقي فهو لأولى رجل ذكر

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: Dhaxalka siiye ehelkiisa, wixii soo hadhayna waxa iska leh ninka ugu dhow” [Saxiix Muslim: 1615]

Gabadha oo ninka ka dhaxal badnaanaysa:

Mararka qaarkoodna gabadhu waxay ka dhaxal badnaanaysaa ninka, sida aabe iyo gabadh uu dhalay oo dhaxlaya xaaskii. Tusaale: Gabadh ayaa dhimatay, waxayna ka tagtay hal gabadh kaliya iyo ninkeedii, waxayna ka tagtay 4000 oo dollar, markaa ninku wuxuu helayaa rubuc oo ah afar meelood hal meel, gabadhuna waxay helaysaa kala badh xoolaha hooyadeed ka dhimatay, baaqiga soo hadhana casabah ayaa leh, hadba cidii ugu dhow, hadii ay jiraan walaalo iwm.

Sidaas darteed dhaxalka waxa loo qeybinayaa 4 qeybood, aabuhu wuxuu qaadanaya (rubuc) afar meelood hal meel oo u dhigmaysa 1000 dollar, gabadhuna waxay qaadanaysaa kala badh dhaxalka oo u dhigmaysa 2000 oo dollar, kunka soo hadhayna waxa qaadanay cidii gabadhii dhimatay ugu dhow hadii ay jiraan sida walaal iwm, hadii la waayana isla gabadhiibaa qaadanaysa.

Halkan, waxayna aragnaa gabadhii oo aabaheed oo nin ah ka dhaxal badnaatay, aabihii 1000 dollar halka inantiina ay heshay aabaheed laban laabkeeda oo ah 2000 oo dollar.

Waxaana u daliila in gabadhii kalida ahayd helayso kala badh, aayadan:

وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ {النساء:11}.

“Hadii ay tahay gabadh kaliya waxay helaysaa kala badh” [Nisaa:11]

Aabuhuna waa rubuc, oo ah afar meelood hal meel:

فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٌ فَلَكُمُ الرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْنَ

“Hadii xaaskii (ka tagtay) caruur, waxaad leedihiin (ninkii qabay xaaska) rubuc (afar meelood hal meel) wixii ay ka geeriyootay” [Nisaa:12]

Gabadhii oo dhaxashay, halka ninkiina uu ka helayo waxba:

Mararka qaarkood gabadha ayaa dhaxlaysa, halka ninkuna aanu  waxba helaynin. Sida ninbaa dhintay, wuxuuna ka tagay gabadh kaliya, walaashiis iyo afar ay ilmo adeer yihiin oo nimana, markaa gabadhii uu dhalay waxay helaysaa kala badh, gabadhii walaashiis ahaydna badhkii kale, halka ilmo adeeradii oo niman ahaa ayaguna aanay waxba helaynin.

Gabadhu kala badhbay helaysaa:

وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ {النساء:11}.

“Hadii ay tahay gabadh kaliya waxay helaysaa kala badh” [Nisaa:11]

Gabadhii walaashiis ahaydna waxay helaysaa kala badhka kale:

قَضَى فِينَا مُعَاذُ بْنُ جَبَلٍ عَلَى عَهْدِ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ النِّصْفُ لِلْابْنَةِ وَالنِّصْفُ لِلْأُخْتِ

“Waxa Mucaad ibnu Jabal nagu kala xukumay xilligii Rasuulkii Ilaahay (scw) kala badh ay qaatay inantu, badhka kalena walaasha” [Bukhaari: 630]

Ilmo adeeradii oo wiilal ahaa waxba may helin, waxa dhaxalkii qaatay laba dumara, sababtoo ah waxa xijaabtay ninka walaashiis.

Fiiro Gaara:

Ogsoonow, xoolaha la dhaxlo laguma go’aamiyo kaliya fatwada shuyuukhda ee waxa go’aamiyaa waa maxkamad, sababtoo ah waxa dhici karta in cidii dhimatay dayn lagu lahaa, ama qeyb dhaxalka kamida uu dardaarmay, ama qof dhaxalka xaq u leh laga dul boodo, sidaas awgeed markaad ogaatid xukunka sharciga islaamka, waa inaad maxkamad tagtaan si loo hubsado wixii maqan.


Waxa Diyaariye Sh Abdulaziz Mohamed Oogle

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

Up ↑

%d bloggers like this: