Kitaabka Weysada

Kitaabka Weysada

Waxaa dhigay oo ka soo tarjumay kitaabka Al Imaamu Al Nawawii (النووي) ee Al “Majmuuc” (المجموع) Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM.

Kow: Tusmada kitaabka Mawduuca Bogga:

  1. Tusmada Kitaabka
  2. Waysaysashada
  3. Niyada
  4. Bisinka qabso
  5. Dhiqidda labada gacnood
  6. Luqluqashada
  7. Sandaarsiga
  8. Dhaqidda wajiga
  9. Dhaqidda gacanta midig
  10. Dhaqidda gacanta bidix
  11. La marinta madaxa gacanta biyo
  12. Dhaqidda dhegaha
  13. Dhaqidda lugta midig
  14. Dhaqidda lugta bidix
  15. Qoynta haragga garka
  16. Xubin walba saddex goor dhaq
  17. Isku xijinta dhiqidda xubnaha
  18. Ducada inta la wayso qaadanayo
  19. Ducada waysada dabadeed

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين، والثناء لله، أستعينه وأستهديه، وأستغفره وأتوب إليه، وأشهد أن لاإله إلا الله وحده لاشريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما صليت على سيدنا إبراهيم وعلى سيدنا إبراهيم وبارك على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على سيدنا إبراهيم وعلى آل سيدنا إبراهيم في العالمين إنك حميد مجيد.

Labo: Waysaysashada

قَالَ النبي صلى الله عليه وسلم: (لا وُضُوءَ لِمَنْ لَمْ يَذْكُرْ اسْمَ اللَّهِ عَلَيْهِ) روه الترمذي

Weysadu waa cibaado iskeed u taagan oo Ilaahay nagu addoonsaday oo waajib nooga dhigay. Sababaha loo wayso qaatana waxaa ka mid ah in salaadda la tukado, oo wayso la’aan salaad lama tukan karo, qofka tukadana isagoo og inuusan wayso qabin waa danbaabayaa. Qofkaan siday ahayd u wayso qaadan oo aan waysadiisa la aqbalinna, salaaddiisa lama aqbalo. Waxaa kaloo loo wayso qaataa in Kacbada lagu dhawaafo, oo dhawaafku waa salaad Ilaahay banneeyey in la hadlo. Waxaa kaloo loo wayso qaataa in Kitaabka Quraanka la qaado, ha la akhriyo ama yaan la akhrine, oo qof aan wayso qabin Kitaabka ma taaban karo. Waxaa la wayso qaataa, waana suuno aan waajib ahayn, marka habeenkii sariirta la gelayo oo la seexanayo. Waxaaba loo wayso qaataa in la wayso qaato oo daahir la ahaado oo waa la iska ajar siinayaa.

Wayso qaadashada waxaa afka Carabiga lagu yiraahdaa al wuduu’u (الوضوء), erayguna wuxuu ka yimid al al wadaa’atu (الوضاءة) oo macnihiisu yahay nadiifinta iyo nuurinta, oo waxaa nadiif noqonaya maalinta qiyaamane oo nuuraya oo tilmaanta muslimiintaba ka mid ah xubnaha waysada loo dhaqo. Wesyeysashadu waxaa weeye in xubno tilmaaman oo qofka jirkiisa ka mid ah biyo lagu dhaqo, si loo tukado, ama Quraanka Kariimka ah loo taabto ama Kacbada loogu dawaafo, ama masjidka dhexdiisa lagu nagaado ama sababo kale daraadoodba.

Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa (سبحانه وتعالى), wuxuu Aayadda lixaad ee Suuratu Al Maa’idah (سورة المائدة) ku yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ إِذَا قُمْتُمْ إِلَى الصَّلاةِ فَاغْسِلُواْ وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَرَافِقِ وَامْسَحُواْ بِرُؤُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى الْكَعْبَيْنِ

.(سورة المائدة ٦)

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Kuwiinna rumeeyeenow, haddaad salaadda u istaageysaan, dhaqa wajiyadiinna iyo gacnihiinna tan iyo suxullada, biyo mariya madaxdiinna iyo lugihiinna, oo lugaha dhaqa tan iyo canqawyada“.

Sida loo wayso qaato waa sida soo socota oo ka sugantay Nabi Muxammad, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.

Saddex: Niyada

Waa inuu qofku niyaystaa inuu wayso qaadanayo. Al Bukhaarii (البخاري) wuxuu Cumar (عمر) ka wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

“إنما الأعمال بالنيات، وإنما لكل امرأ ما نوى.”

…. oo macnihiisu yahay:

“Acmaasha waxaa la isaga ajar siiyaa waxa loo niyeeystay, qof walbana wuxuu leeyahay ajarka wuxuu niyeystay.”

(Al Bukhaarii (البخاري): Xadiithka koowaad).

Al Sh-shaaficii (الشافعي) wuxuu yiri:

“Xadiithkaan waxaa soo dhex gelaya dalool cilmiga”, oo ah marka cilmigoo idil saddex meelood loo qaybiyo meel. Wuxuu kaloo yiri: “Waxaa niyo u baahan si ay sax u noqdaan oo loo aqbalo la isagana ajar siiyo toddobaatan baab oo fiqiga ah.”

Ash-Shaafici (الشافعي) ghayrkiisna sidaas oo kale ayay yiraahdeen. Cibaadana waxaa la yiraahdaa adeecidda Ilaahay iyo ayadoo awaamirtiisa lala yimaado oo loo hoggaansamo. Sidaasay niyadu waxay u tahay shardi ka mid ah shuruudda wayso qaadashada, oo niyo la’aan waysadu ansixi mayso, oo waa inuu qofku bilawga wayso qaadashadaba niyaystaa inuu xubnahaas u dhaqayo inuu wayso qaato, oo uusan u dhaqayn inuu biyahaas isku qaboojiyo iyo is nadiifin iyo wax la mid ahba.

Waxaana waajib ah inuu qalbiga ka niyaystaa, hadduu carrabkana raaciyo oo ku dhawaaqo way sii adkeyneysaa, afkana ka yiraahdaa:

“بسم الله نويت الوضوء.”

… oo macnihiisu yahay:

“Bismi Allaahi بسم الله waxaan niyaystay inaan wayso qaato.”

Afar: Bisinka qabso

Bisinka Ilaahay ku dhawaaq oo qabso. Wayso qaadashada waxaa laga bilaabaa ayadoo Bisinka Ilaahay la qabsado oo la yiraahdo Bismi Allaahi (بسم الله), waxaana kaamilsan inuu yiraahdo Bismi Allaahi ar-Raxmaani ar-Raxiimi. (بسم الله الرحمن الرحيم)

An-Nasaa’ii (النسائي) wuxuu Anas (أنس) ka wariyay inuu yiri:

“Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu gacantiisa geliyay weel ay biyo ku jiraan, kaddibna wuxuu yiri…”

“توضؤوا بالسم الله.”

… oo macnihiisu yahay:

“Ku wayso qaata magaca Ilaahay.”

Kaddibna waxaan arkay biyaha oo farihiisa dhedxdooda kasoo burqanaya, ragguna uu biyaahaas ka wayso qaadanayo ilaa uu kooda ugu dambeeya ka wayso qaatay, waxayna ahaayeen qiyaas toddobaatan nin.” Waxaa kaloo wariyay Cabdul-Rizaaq (عبد الرزاق) (20535) iyo Axmad (أحمد) (3/165) iyo kuwo kaleba.

Abuu Daauud (أبوداود) wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyey inuu yiri:

“كل أمر ذي بال لا يبدء باسم الله الرحمن الرحيم أقطع.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Amar kasta oo muhim ah oo aan lagu bilaabin Bisinka Allah
(بسم الله الرحمن الرحيم) waa naaqus, waana barako yar yahay.”

Waxaa kaloo wariyay Al Bayhaqii (البيهقي) iyo Axmad (أحمد). Waana in magaca Ilaahay lagu bilaabo wax kasta oo muhim ah, xattaa markuu ninku haweentiisa u tegayo, siduu al-Bukhaarii (البخاري), waana Xadiithkiisa boqol kow iyo afartan, ibnu Cabbaas (إبن عباس) uga wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

.” لَوْ أَنَّ أَحَدَكُمْ إِذَا أَتَى أَهْلَهُ ، قَالَ : بِاسْمِ اللَّهِ ، اللَّهُمَّ جَنِّبْنَا الشَّيْطَانَ ، وَجَنِّبْ الشَّيْطَانَ مَا رَزَقْتَنَا ، فَقُضِيَ بَيْنَهُمَا وَلَدٌ لَمْ يَضُرُّهُ “

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Hadduu midkiin markuu haweentiisa u tegayo yiraahdo Bismi Allaahi Ilaahayow naga fogee shaydaan, shaydaanna ka fogee cunuugga aad na siiso, oo uu markaas Ilaahay cunug ku rizqiyo oo uu isu taggaas cunug ka dhasho, cunuggaas shaydaan dhibaato uma geysan karo.”

Bisinka ugu kaamil san waa inuu yiraahdaa (بسم الله الرحمن الرحيم). In bisinka la qabsado waa sunno ka mid ah sunnooyinka wayso qaadashada.

Shan: Dhaqidda Labada Gacmood

Labadaada gacnood ilaa cumaacumaha ayaad biyo ku dhaqaysaa saddex jeer, adigoo faraha dhexdoodana dhaqaya. Waxaana u daliil ah inay sidaas tahay in loo dhaqo Xadiithka Cuthmaan (عثمان) oo ay wariyeen Al Bukhaarii (البخاري) iyo Muslim (مسلم).

Al-Bukhaarii (البخاري), waana Xadiithkiisa boqol sagaal iyo konton, wuxuu ka wariyay Xumraana mawlaha Cuthmaan bin Caffaan (حمران مولى عثمان بن عفان):

“Inuu arkay Cuthmaan bin Caffaan (عثمان بن عفان) oo uu u yeertay biyo uu ku wayso qaaato, markaasuu saddex goor biyaha sacabkiisa ku shubay oo uu labadiisa gacnood ilaa cumaacumaha dhaqay, kaddibna wuxuu gacantiisu weelka biyaha geliyay oo luqluqday, uuna san daarsaday, kaddibna wuxuu wajigiisa dhaqay saddex goor, iyo labadiisa gacnood ilaa suxullada saddex goor, kaddibna wuxuu masaxay madixiisa , kaddibna wuxuu dhaqay labadiisa cagood ilaa canqawyada saddex goor, kaddibna wuxuu yiri:

“Rausulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri:

“من توضأ نحو وضوئي هذا، ثم صلى ركعتين لا يحدث نفسه، غفر له ما تقدم من ذنبه.”

“Qofka u wayso qaadata sidaan aan anigu u wayso qaatay kaddibna laba rakco tukada isagoo aan intuu labadaas rakcaba tukanayo naftiisa isla hadlayn waxaa loo dhaafa inta hormartay ee dambigiisa ah.”

Lix: Luqluqashada

Saddex jeer biyo ku luqluqo, soona tuf biyahaas. Luqluqashadu waa inuu biyaha afkiisa geliyaa oo uu ku luqluqdaa isagoo biyaahaas afkiisa dhexdiisa ku wareejinaya, kaddibna soo tufaya. Waxaana u daliil ah Xadiithka uu Muslim (مسلم), waana xadiithkiisa sideed boqol laba iyo soddon, Camr bin Cabasah (عمروبن عبسة), Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ يَقْرَبُ وَضُوءَهُ ثُمَّ يَتَمَضْمَضُ وَيَسْتَنْشِقُ وَيَنْتَثِرُ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَاهُ مِنْ فَمِهِ وَخَيَاشِيمِهِ مَعَ الْمَاءِ حِينَ يَنْتَثِرُ ، ثُمَّ يَغْسِلُ وَجْهَهُ كَمَا أَمَرَهُ اللَّهُ تَعَالَى إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا وَجْهِهِ مِنْ أَطْرَافِ لِحْيَتِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَغْسِلُ يَدَيْهِ إِلَى الْمِرْفَقَيْنِ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا يَدَيْهِ مِنْ أَطْرَافِ أَنَامِلِهِ ، ثُمَّ يَمْسَحُ رَأْسَهُ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا رَأْسِهِ مِنْ أَطْرَافِ شَعَرِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَغْسِلُ قَدَمَيْهِ إِلَى الْكَعْبَيْنِ كَمَا أَمَرَهُ اللَّهُ عَزَّ وَجَلَّ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا قَدَمَيْهِ مِنْ أَطْرَافِ أَصَابِعِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَقُومُ فَيَحْمَدُ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ وَيُثْنِي عَلَيْهِ بِالَّذِي هُوَ لَهُ أَهْلٌ ، ثُمَّ يَرْكَعُ رَكْعَتَيْنِ إِلَّا خَرَجَ مِنْ ذُنُوبِهِ كَهَيْئَتِهِ يَوْمَ وَلَدَتْهُ أُمُّهُ “

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Idinkuma jiro axad adinka idinka mid ah oo waysadiisa soo dhoweysta, kaddibna luqluqda kaddibna sandaarsada oo biyaahaasna kaddib markay sanka dhexdiisa iyo afkaba soo nadiifiyeen dibadda usoo saara ee waa illa midka ay dambiyaduu ku galay wajigiisa iyo afkiisa iyo sankiisaba ay biyahaas soo raacaan oo lasoo baxaan oo ay dhacaan oo dhaqmaan.”

Wuxuu kaloo Al-Bayhaqii (البيهقي) isnaadkiisa saxiixa ah ku wariyay inuu Calii (علي), Allaha raalli ka noqdee, isagoo sifeynaya sifada wayso qaadashada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

“Kaddib markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam labada gacnood dhaqay ilaa cumaacumaha ayuu gacantiisa midig weelka biyuhu ku jiraan geliyay oo uu sacabkiisa biyo kusoo qaaday oo uu afka ka buuxsaday, uuna ku luqluqday, kuna sandaarsaday, kaddibna uu biyaha gacantiisa bidix neef kula soo saaray. Sidaas ayuuna saddex goor sameeyey.”

Wa Allaahu aclamu (والله أعلم).

Waana Xadiithkiisa mujalladka koowaad bogga sideed iyo afartan.

Al-Bukhaarii (البخاري) wuxuu Xadiithkiisa boqol laba iyo sagaashan Cabdu Allaahi bin Zayd (عبد الله بن زيد) uga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:

“Kadib uu ka luqluqday oo ka san daarsaday saddex goor saddex sacab oo biyo ah.”

Sababta loo luqluqanayaa waa nadiifinta afka, oo Al Tirmithii (الترمذي), waana Xadiithkiisa toddoba boqol sideed iyo sideetan, wuxuu ka wariyay Laqiidh bin Sabirata (لقيط بن صبرة) inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:

.”أسبغ الوضوء وخلل بين الأصابع وبالغ في الإستنشاق إلا أن تكون صائما”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Waysada taam ka dhig, oo waxaa weeyey siday tahay u waysa qaado saddex saddexna xubnaha dhaq, faraha dhexdoodana biyaha ku dhaq, si xoog lehna u san daarso oo ku fogow inaad sooman tahay mooyee.”

Todobo: Sandhaarsiga

Kaddib saddex jeer sandaarsado. Sandaarsigu waa in inta biyo calaacasha gacanta midig, siday Al Bukhaarii (البخاري) iyo Muslim ba (مسلم) u wariyeen, lagu shubo sanka la saaro oo neef lagula jiido si ay sanka u dhex galaan, kaddibna markay soo nadiifiyeen sanka gudihiisa suulka iyo farta ku xigta ee gacanta bidix inta sanka lagu qabto biyahaas wasakhda noqday neef lagu soo saaro oo la duufsado. Wuxuu Muslim (مسلم), waana xadiithkiisa sideed boqol laba iyo soddon, Camr bin Cabasah (عمروبن عبسة), Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ يَقْرَبُ وَضُوءَهُ ثُمَّ يَتَمَضْمَضُ وَيَسْتَنْشِقُ وَيَنْتَثِرُ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَاهُ مِنْ فَمِهِ وَخَيَاشِيمِهِ مَعَ الْمَاءِ حِينَ يَنْتَثِرُ ، ثُمَّ يَغْسِلُ وَجْهَهُ كَمَا أَمَرَهُ اللَّهُ تَعَالَى إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا وَجْهِهِ مِنْ أَطْرَافِ لِحْيَتِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَغْسِلُ يَدَيْهِ إِلَى الْمِرْفَقَيْنِ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا يَدَيْهِ مِنْ أَطْرَافِ أَنَامِلِهِ ، ثُمَّ يَمْسَحُ رَأْسَهُ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا رَأْسِهِ مِنْ أَطْرَافِ شَعَرِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَغْسِلُ قَدَمَيْهِ إِلَى الْكَعْبَيْنِ كَمَا أَمَرَهُ اللَّهُ عَزَّ وَجَلَّ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا قَدَمَيْهِ مِنْ أَطْرَافِ أَصَابِعِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَقُومُ فَيَحْمَدُ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ وَيُثْنِي عَلَيْهِ بِالَّذِي هُوَ لَهُ أَهْلٌ ، ثُمَّ يَرْكَعُ رَكْعَتَيْنِ إِلَّا خَرَجَ مِنْ ذُنُوبِهِ كَهَيْئَتِهِ يَوْمَ وَلَدَتْهُ أُمُّهُ “

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Idinkuma jiro axad adinka idinka mid ah oo waysadiisa soo dhoweysta, kaddibna luqluqda kaddibna sandaarsada oo biyaahaasna kaddib markay sanka iyo afkaba dhexdooda soo nadiifiyeen dibadda usoo saara ee waa illa midka ay dambiyaduu ku galay wajigiisa iyo afkiisa iyo sankiisaba ay biyahaas soo raacaan oo lasoo baxaan oo ay dhacaan oo dhaqmaan. Kaddib markuu u dhaqo wajigiisa siduu Ilaahay u amray ee waa tay illaa dambiyada wajigiisu ka daataan darfaha garkiisa oo ay biyaha raacaan.

Kaddib markuu dhaqo labadiisa gacnood ilaa suxullada ee way tay illaa dambiyaduu ku galay labadiisa gacnood biyaha kala daataan farihiisa fooddooda. Kaddib markuu madixiisa gacanta biyo la mariyo ee waa tay illaa dambiyaduu ku galay madixiisa ka daataan darfaha timihiisa oo ay biyaha raacaan. Kaddib markuu labadiisa cagood dhaqo ilaa labada canqaw ee waa tay illaa dambiyaduu labadiisa cagood ku galay ka daataan foodda faraha cagihiisa oo ay biyaha raacaan.

Hadduu markaas istaago oo uu tukado, Ilaahayna ku xamdiyo, una ammaano, una weyneeyo siduu ehel ugu yahay oo u mudan yahay, qalbigiisana uu u firaaqeeyo Ilaahay, wuxuu markaas uga baxaa dambiyadiisa sidu ahaa maalintay hooyadiis dhashay, oo uusan dambiba lahayn oo kale.”

Siddeed: Dhaqidda Wajiga

Kaddib saddex jeer wajiga biyo kuu dhaq, inta u dhexeysa timo qabadka ilaa garka hoostiisa, iyo inta u dhexeysa labada dhegood. Waxaa u daliil ah Aayadda lixaad ee Suuratu Al Maa’idah (سورة المائدة):

{فَاغْسِلُوا وُجُوهَكُمْ}

… oo macnehedu yahay:

“Ee wajiyadiinna dhaqa (6).”

Al-Bukhaarii (البخاري) wuxuu wariyay, waana Xadiithkiisa boqol lix iyo sideetan inuu Camr bin Abii Xasanin (عمروبن أبي حسن) waydiiyay Cabdu Allaahi bin Zayd (عبد الله بن زيد) siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u wayso qaadan jiray, markaasuu wuxuu u yeertay weel biyo ku jiraan oo uu markaas dadka meeshaas joogay tusay siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u wayso qaadan jiray:

“Markaasuu weelka gacantiisa biyo uga shubay oo uu saddex goor labadiisa gacnood dhaqay. Kaddib wuxuu gacantiisa geliyay weelka biyuhu ku jiraan oo uu saddex goor intuu gacanta geliyay saddex goor luqluqday saddex goorna sandaarsaday. Kaddib wuxuu gacantiisa geliyay weelka biyaha saddex goor oo uu saddex goor wajigiisa dhaqay.”

Hadduu gar wayn leeyahayna intuu sacabka biyo ku shubto ayuu timaha garka la dhex gelinayaa, siduu Al Tirmithii (الترمذي), waana Xadiithkiisa kow iyo soddon, uga wariyay ibnu Cabbaas (إبن عباس) inuu yiri:

“Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, timaha garkiisa biyuu gacantiisa la gelin jiray.”

Marka wajiga la dhaqayo waa in ayagana lala dhaqaa shan meellood oo timo ku yaallaan oo kala ah:

  1. Sunnooyinka labada indhood ka korreeya.
  2. Shaaribbada
  3. Timaha bashinta hoose hoosteeda ku yaalla oo garkana ka korreeya.
  4. Timaha goonka kasoo baxa, goonkuna waa lafta soo baxsan oo isha iyo dhegta u dhexeysa.
  5. Timaha labada hareed oo labada dhaban ku yaalla.

Sidoo kale waxaa habboon in la dhaqaa labada salxaanyo hadduu leeyahay.

Sagaal: Dhaqidda Gacanta Midgta ah

Kaddib Gacantaada midigta ah ilaa suxulka saddex jeer dhaq, suxuulkana la dhaq. Waxaana u daliil ah Aayadda lixaad ee Suuratu Al Maa’idah (سورة المائدة):

{وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَ اَ رفِقِ}

… oo macneheedu yahay:

“Waxaad kaloo dhaqdaan labadiinna gacnood ilaa suxullada (6).”

Abuu Daauud (أبوداود), waana Xadithkiisa afar kun boqol afar iyo toban, wuxuu Abuu Hurayrah (أبوهريرة) ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

“إذا توضأتم فابدءوا بميامنكم.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Markaad wayso qaadanaysaan ka bilaaba xubnihiinna midig.”

Al Bukhaarii (البخاري) waana xadiith kiisa (169) wuxuu Caa’ishah (عائشة) ka wariyay inay tiri:

“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu kabaha gashanayo wuxuu ka bilaabi jiray midigta, markuu shanleysanayo wuxuu hor shanleyn jiray dhanka midigta ah, markuu is nadiifinayo ama qubaysanayo wuxuu ka bilaabi jiray dhanka midigta ah, iyo wax kastoo uu samynayaba.”

Al Bukhaarii (البخاري), waana Xadiithkiisa boqol sideed iyo lixdan iyo kuwa kaleba, wuxuu kaloo Caa’ishah (عائشة) ka wariyay inay tiri:

“Gacanta midig ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu ku wayso qaadan jiray, cunnadana uu ku cuni jiray, gacantiisa bidixna wuxuu u isticmaali jiray istinjada iyo waxa kaloo xun.”

Muslim (مسلم) wuxuu ku wariyay xadiith kiisa (268).

Labada suxulna waa in gacanta lala dhaqaa, waxaana u daliil ah Aayadda lixaad ee Suuratu Al Maa’idah (سورة المائدة):

{وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَ اَ رفِقِ}

…. oo macneheedu yahay:

“Waxaad kaloo dhaqdaan labadiinna gacnood ilaa suxullada (6).”

Al Bayhaqii (البيهقي), waana Xadiithkiisa mujalladka koowaad bogga lix iyo konton, wuxuu ka wariyay Jaabir (جابر) Allaha raalli ka noqdee inuu yiri:

“Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam markuu wayso qaadanayo wuxuu biyaha marin jiray labadiisa suxul.”

Waxaa habboon in dhaqidda suxulka la dhaafiyo oo laga kor mariyo, siduu Muslim (مسلم), waana Xadiithkiisa laba boqol lix iyo afartan baabka la yiraahdo baabu istixbaabi idhaalati al ghurrati wa al taxjiili fii al wuduu’i (باب استحباب إطالة الغرة والتحجيل في الوضوء), uga wariyay Cabdu Allaahi Al Mujmir (عبد الله المجمر) oo yiri:

“Waxaan arkay Abuu Hurayrah (أبوهريرة) oo wayso qaadanaya markaasuu wajigiisa dhaqay oo uu biyaha si fiican u wada gaarsiiyay oo kaamil ka dhigay, kaddibna wuxuu dhaqay gacantiisa midig ilaa cududda uu ka gaarsiiyay, kaddibna gacantiisa bidix ilaa uu cududda ka gaarsiiyay, kaddibna wuxuu masaxay madaxiisa, kaddibna wuxuu dhaqay lugtiisa midig oo uu dhaqmada gaarsiiyay dhudhunka lugta, kaddibna wuxuu dhaqay lugtiisa bidix oo uu dhudhunka gaarsiiyay, kaddibna wuxuu yiri: “Waxaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo sidaas u wayso qaadanaya.”

Wuxuuna yiri, waana Abuu Hurayrah (أبوهريرة)…

“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:

قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَنْتُمُ الْغُرُّ الْمُحَجَّلُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنْ إِسْباغِ الْوُضُوءِ، فَمَنِ اسْتَطَاعَ مِنْكمْ فَلْيُطِلْ غُرَّتَهُ وَتَحْجِيلَهُ»

Xadiithka macnihiisu waxaa weeyey:

“Adinku waxaad tihiin kuwa ay maalinta qiyaame lugga hoodda iyo gacma hooddu cad yihiin oo kaahayaan, sababtuna ay tahay sidaad weysada u taam yeesheen. Marka kiina kara ha dheereeyo caddaanta wajigiisa iyo afartiisa addin.”

Toban: Dhaqidda Gacanta Bidixda ah

Kaddib gacantaada bidixda ah ilaa suxulka saddex jeer dhaq, suxulkana la dhaq. Axkaamtu iyo xujjaduba waa inta ku xusan dhiqidda gacanta midig.

Kow iyo Toban: La Marinta Madaxa Gacanta Biyo

Kadib saddex jeer madaxaaga gacanta biyo la mari. Masaxidda madaxu waa fardi sida ku xusan Aayadda lixaad ee Suuratu Al Maa’idah:

{وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ}

…oo amcneheedu yahay:

“Madaxdiinnana gacanta biyo la mariya (6)”

Waxaana lala marinayaa salxaanyada iyo dhafoorrada. Waxaana habboon inuu madaxoo idil biyaha la mariyo, oo intuu labada gacnood biyo ku shubo oo ka daadiyo ayuu laba farood oo suulka ku xigah, lana yiraahdo al sabaabah (السبابة) (looguna bixiyay in markuu qofku caytamayo uu ayada ku fiiqo ama marka la murmayaba)(waxaa kaloo la yiraahdaa al musabbixah (المسبحة) oo marka attaxyaadka la akhrinayo ayaa kor iyo hore loo fiiqaa ayadoo la tilmaamayo Midnimada Ilaahay iyo tawxiidka iyo tasbiixda) foodooda isku qabanayaa, labadiisa suulna uu labadiisa dhafoor saarayaa, markaasuu sidaas u saarayaa bilawga madixiisa uuna la marinayaa ilaa qadaadkiisa, kaddibna uu dib ula soo marinayaa ilaa uu ka keeno meeshuu ka bilaabay.

Inay sidaas tahayna waxaa u daliil ah Xadiithka boqol shan iyo sideetan oo uu Al Bukhaarii (البخاري) ka wariyay Cabdu Allaahi bin Zayd bin Caasim Al Ansaarii Al Maazinii, Al Madanii…

(عبد الله بن زيد بن عاصم الأنصاري المازني، المدني), hooyadiisna ay tahay Ummu Camaarah Al Ansaariyah (أم عمارة الأنصارية), oo ay isaga iyo hooyadiisba Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Uxud (أحد) kala qayb galeen. Wuxuu yiri:

“Nin ayaa wuxuu Cabdu Allaahi bin Zayd (عبد الله بن زيد) weydiiyay hadduu karo inuu tuso siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u wayso qaadan jiray.

Wuxuu yiri:

“Haa.”

Kaddibna wuxuu laba diisa gacmood la mariyay biyo madax xiisa oo uu sii mariyay soona mariyay: wuxuu ka bilaabay meesha hore ee madaxiisa ah markaasuu labadiisa gacnood la mariyay ilaa qadaadkiisa, kaddibna oo labadoodaba lasoo mariyay ilaa uu ka keeno meeshuu ka bilaabay.”

Waana isku mid inuu madax xiisu timo leeyahay iyo inuusan lahaynba.

Hadduu cimaamad xiran yahayna madaxa intiisa horena wuu masaxayaa cimaamadana wuu la masaxayaa, siduu Muslim (مسلم), waana Xadiithkiisa laba boqol afar iyo toddobaatan, uga wariyay Al Mughiirah bin Shucbah (المغيرة بن شعبة) oo yiri:

“ومسح بناصيته على العمامة.”

…oo macnihiisu yahay:

“Wuxuuna gacanta biyo la mariyay foodda madixiisa iyo cimaamadda korkeedaba.”

Ragga iyo Haweenku
Waa Isaga Mid Masaxidda Madaxa.

Madaxa wuxuu gacanta biyo la marinayaa saddex goor, waxaana u daliil ah Xadiithka uu Abuu Daauud (أبوداود), waana Xadiithkiisa boqol iyo toddoba, ka wariyay Cuthmaan (عثمان), Allaha raalli ka noqdee:

“Inuu wayso qaatay oo uu madaxana saddex goor gacanta biyo la mariyay, kaddibna uu yiri:

“رأيت رسول الله صاى الله عليه وسلم نوضأ هكذا.”

“Waxaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo sidaas u wayso qaatay.”

Al-Bayhaqii (البيهقي), wuxuu baabu al tikraaru fii masxi al ra’asi (باب التكرار في مسح الرأس), ka wariyay Calii bin Abii Dhaalib (علي بن أبي طالب), Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:

Inuu weyseystay oo madax xiisana gacanta biyo la mariyay saddex goor kaddibna uu yiri:

“هكذا رأيت رسول الله صلى الله عليه وسلم فعل.”

…oo macnihiisu yahay:

“Sidaas ayaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo samaynaya.”

Riwaayada ugu fiicanna waxaa Calii (علي), Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay wiilkiisa Al Xasanu bin Calii (الحسن بن علي), labadoodaba Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna xusay in madaxa saddex goor la masaxayo, wuxuuna yiri:

.”هكذا رأيت رسول الله صلى الله عليه وسلم توضأ”

…oo macnihiisu yahay:

“Sidaasaan arkay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam oo u wayso qaatay.”

Laba iyo Toban: Dhaqidda Dhegaha

Kaddib saddex jeer dhegaha gudohooda farta suulka ku xigta biyo kula soo dhaq, adigoo isla markaas suullkaaga dhegaha korkooda muuqda biyaha la marinaya.

Waxaana u daliil ah Xadiithka uu Abuu Daauud (أبوداود), waana Xadiithkiisa boqol kow iyo labaatan, uuna ka wariyay Axmad bin Xanbal (أحمد بن حنبل) oo ka wariyay Al Miqdaamu bin Macdi Yakrabi (أحمد بن حنبل) inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:

“مسح برأسه وأذنيه ظاهرهما وباطنهما، وأدخل اصبعيه في جحري أذنيه.”

…oo macnihiisu yahay:

“Wuxuu biyo la mariyay madaxiisa iyo labadiisa dhegood intooda korreysa oo muuqata iyo intooda gudaha ahba, wuxuuna labadiisa farood dhex geliyay labada dalool ee dhegihiisa.”

Waxaa kaloo u daliil ah Xadiithka uu Al Bayhaqii (البيهقي) Cabdu Allaahi bin Zayd (عبدالله بن زيد) iyo Cabdu Allaahi bin Cumar (عبد الله بن عمر) ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arkay:

“Isagoo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wayso qaadanaya markaasuu wuxuu dhegaha usoo qaatay oo mariyay biyo aan ahayn biyaha uu madaxiisa usoo qaatay oo mariyay.”

Waxaa kaloo u daliil ah Xadiithka ay Abuu Daauud (أبوداود) iyo Al Tirmithii (الترمذي) iyo ghayrkoodba ka wariyeen ibnu Cabbaas (إبن عباس), Allaha labadoodaba raalli ka noqdee, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:

“Madixiisa biyo mariyay iyo labadiisa dhegood intooda muuqata iyo inta gudaha ku jirtaba.”

Waana Xadiithka Al Tirmithii (الترمذي) ee lix iyo soddon.

Labadiisa gacnood ayuu biyo kusoo qaadanayaa markaasuu farta suulka ku xigta dhegta dhexdeeda gelinayaa oo kusoo nadiifinayaa, kuna wareejinayaa ilaa darfeheeda, labada suulna wuxuu marinayaa oo ku nadiifinayaa dhanka dambe ee labada dhegood.

Saddex iyo Toban: Dhaqidda Lugta Midigta ah

Kaddib saddex jeer lugta midigta ah ilaa canqawga dhaq oo canqawga la dhaqay. Faraha lugta dhexdooda waa dhaqayaa. In lugaha la dheqo waa fardi waxaana u daliil ah Aayadda lixaad ee Suuratu Al Maa’idah (سورة المائدة):

{وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى الْكَعْبَيْنِ}

… oo macneheedu yahay:

“Madaxdiinnana biyo gacanta la mariya, labadiinna cagoodna dhaqa ilaa labada canqaw (6)”

… oo Al Sh-shaaficii (الشافعي) wuxuu kitaab kiisa “Axkaamu Al Quraani (أحكام القرآن)” ku yiri:

.”وأرجلكم: اغسلوا وجوهكم وايديكم وارجلكم، وامسحوا برأوسكم”

…oo macnihiisu yahay:

“Ayaduu waxaa weeye dhaqa wajiyadiinna iyo gacnihiinna iyo lugihiinna, madixiinana gacanta biyo la mariya.”

In lugaha la dhaqayo waxaa u daliil ah Xadiithka uu Al Daaruqudhniyyu (الدارقطني), waana Xadiithkiisa mujalladka koowaad bogga boqol iyo toddoba, ka wariyay Jaabir (جابر), Allaha raalli ka noqdee, oo yiri:

“Rasuulka Ilaahaym Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu na amray in markaan wayso qaadanaynno aan lugeheenna dhaqno.”

Waxaa kaloo u daliil Axaadiithta saxiixa ah ee sifada wayso qaadashada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inuu dhaqay labadiisa lugood oo ay wariyeen Cuthmaan (عثمان) iyo Xadiithka Calii (علي), iyo Xadiithka ibnu Cabbaas (إبن عباس), iyo Xadiithka Abuu Hurayrah (أبوهريرة) iyo Xadithka Cabdu Allaahi bin Zayd (عبد الله بن زيد) iyo Xadiithka Al Rrabiicu bin Mucawwith (الربيع بن معاوية) iyo Xadiithka Camr bin Cabasah\ عمروبن عبسة iyo ghayrkoodba oo ku xusan Al Bukhaarii (البخاري) iyo Muslim (مسلم).

Waxaa kaloo u daliil ah Xadiithka Al Bukhaari (البخاري) iyo Muslim (مسلم) ay wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam arkay jamaaco wayso qaadatay o ay cirbohoodu qallalan yihiin oo ayan biyo taaban, markaasuu yiri:

.”ويل للأعقاب من النار”

… oo macnihiisu yahay:

“War hoy cirbihiinna naarta ka jira.”

Markaasay dhaqeen.

Xadiithka Al Bukhaari (البخاري) wuxuu ka wariyay Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caas (عبد الله بن عمروبن العاص), waana Xadiith kiisa lix iyo sagaashan, iyo kan Muslim (مسلم) ee laba boqol kow iyo afartan, iyo Al Bayhaqii 1/68 ) (البيهقي) iyo 69), iyo ibnu Maajah (إبن ماجه) afar boqol iyo konton iyo Abuu Daauud (أبوداود) toddoba iyo sagaashan iyo Al Nasaa’i 1/77 (النسائي) iyo Al Daarimii\ 1/179 (الدارمي) iyo ibnu Khuzaymah (ابن خزيمة) boqol lix iyo lixdan iyo Axmad (أحمد) 2/193 ) , 201 iyo 205), iyo Al Dhayaalisii\ 1/53 ) (الطيالسي) iyo Al Baghawii (البغوي) kitaab kiisa Sharxu Al Sunnah (شرح السنة) laba boqol iyo labaatan iyo ibnu Abii Shaybah\ 1/69 ) (إبن إبي شيبة).

Waxaa kaloo u daliil ah Xadiithka uu Muslim (مسلم), waana Xadiithkiisa laba boqol saddex iyo afartan, ka wariyay Cumar bin Al Khdh-dhaab (عمر بن الخطاب), Allaha raalli ka noqdee, inuu yiri:

“Nin ayaa wayso qaatay marakaasu wuxuu ka tegay oo uusan biyo ku dhiqin in far le’eg oo cagtiisa ka mid ah. Markaasaa waxaa arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaasuu wuxuu yiri…”

.”ارجع فاحسن وضوءك”

… oo macnihiisu yahay:

“Noqo oo si fiican usoo wayso qaado.’’

Markaasuu noqday oo si fiican u wayso qaatay kaddibna uu yimid oo salaadda tukaday.

Abuu Daauud (أبوداود) wuxuu Xadiithkiisa boqol shan iyo soddon Camr bin Shucayb (عمروبن شعيب) ka wariyay inuu ka wariyay aabihiis inu awoowihiis yiri:

“Nin ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid oo yiri:

“Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sidee loo wayso qaataa?”

Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, biyo ha la ii keeno yiri oo uu wayso qaatay, labadiisa lugoodna uu saddex goor middiiba dhaqay, kaddibna uu yiri:

.”هكذا الوضوء فمن زاد على هذا أو بقص فقد أساء وظلم”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Sidaas ayaa loo wayso qaata. Marka qofka wax ku ziyaadiya ama ka naaqusiya waa dambaabay, uuna dulmi falay.”

Waxaa kaloo u daliil Xadiithkuu Muslim (مسلم), waana xadiithkiisa sideed boqol laba iyo soddon, Camr bin Cabasah (عمروبن عبسة), Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ يَقْرَبُ وَضُوءَهُ ثُمَّ يَتَمَضْمَضُ وَيَسْتَنْشِقُ وَيَنْتَثِرُ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَاهُ مِنْ فَمِهِ وَخَيَاشِيمِهِ مَعَ الْمَاءِ حِينَ يَنْتَثِرُ ، ثُمَّ يَغْسِلُ وَجْهَهُ كَمَا أَمَرَهُ اللَّهُ تَعَالَى إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا وَجْهِهِ مِنْ أَطْرَافِ لِحْيَتِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَغْسِلُ يَدَيْهِ إِلَى الْمِرْفَقَيْنِ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا يَدَيْهِ مِنْ أَطْرَافِ أَنَامِلِهِ ، ثُمَّ يَمْسَحُ رَأْسَهُ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا رَأْسِهِ مِنْ أَطْرَافِ شَعَرِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَغْسِلُ قَدَمَيْهِ إِلَى الْكَعْبَيْنِ كَمَا أَمَرَهُ اللَّهُ عَزَّ وَجَلَّ إِلَّا خَرَّتْ خَطَايَا قَدَمَيْهِ مِنْ أَطْرَافِ أَصَابِعِهِ مَعَ الْمَاءِ ، ثُمَّ يَقُومُ فَيَحْمَدُ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ وَيُثْنِي عَلَيْهِ بِالَّذِي هُوَ لَهُ أَهْلٌ ، ثُمَّ يَرْكَعُ رَكْعَتَيْنِ إِلَّا خَرَجَ مِنْ ذُنُوبِهِ كَهَيْئَتِهِ يَوْمَ وَلَدَتْهُ أُمُّهُ “

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Idinkuma jiro axad adinka idinka mid ah oo waysadiisa soo dhoweysta, kaddibna luqluqda kaddibna sandaarsada oo biyaahaasna kaddib markay sanka iyo afkaba dhexdiisa soo nadiifiyeen dibadda usoo saara ee waa midka illaa ay dambiyaduu ku galay wajigiisa iyo afkiisa iyo sankiisaba ay biyahaas soo raacaan oo lasoo baxaan oo ay dhacaan oo dhaqmaan.

Kaddib markuu u dhaqo wajigiisa siduu Ilaahay u amray ee waa tay illaa dambiyada wajigiisu ka daataan darfaha garkiisa oo ay biyaha raacaan. Kaddib markuu dhaqo labadiisa gacnood ilaa suxullada ee way tay illaa dambiyaduu ku galay labadiisa gacnood biyaha kala daataan farihiisa fooddooda. Kaddib markuu madixiisa gacanta biyo la mariyo ee waa tay illaa dambiyaduu ku galay madixiisa ka daataan darfaha timihiisa oo ay biyaha raacaan. Kaddib markuu labadiisa cagood dhaqo ilaa labada canqaw ee waa tay illaa dambiyaduu labadiisa lugood ku galay ka daataan foodda faraha cagihiisa oo ay biyaha raacaan.

Hadduu markaas istaago oo uu tukado, Ilaahayna ku xamdiyo, una ammaano, una weyneeyo siduu ehel ugu yahay oo u mudan yahay, qalbigiisana uu u firaaqeeyo Ilaahay, wuxuu markaas uga baxaa dambiyadiisa sidu ahaa maalintay hooyadiis dhashay, oo uusan dambiba lahayn oo kale.”

Faraha dhexdoodana dhaq oo Al Tirmithii (الترمذي), waana Xadiithkiisa toddoba boqol sideed iyo sideetan, wuxuu ka wariyay Laqiidh bin Sabirata (لقيط بن صبرة) inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:

“اسبغ الوذوء وخلل بين الأصابع.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Waysada taam ka dhig, oo waxaa weeyey siday tahay u waysa qaado saddex saddexna xubnaha dhaq, faraha dhexdoodana biyaha ku dhaq.”

Marka lugaha la dhaqayana canqawyadana waa lala dhaqayaa ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa (الله تعالى) Aayadda lixaad ee Suuratu Al Maa’idah (سورة المائدة) ku yiri: “

{وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى الْكَعْبَيْنِ}

… oo macneheedu yahay:

“Labadiinna cagoodna dhaqa ilaa labada canqaw (6)”.

Afar iyo Toban: Dhaqqidda Lugta Bidixda ah

Kaddib saddex jeer lugtaada bidixda ah ilaa anqawga dhaq, anqawgana la dhaq. Faraha lugta dhexdooda dhaq. Axkaamta dhiqidda lugta bidixna waa isla kuwa lugta midig.

Shan iyo toban: Qoynta Haragga Garka Hoostiisa ah

Haddaad gar wayn leedahay, sacabkaaga biyo ka buuxi, kaddibna garkaaga mari, adigoo farahaaga biyaha garka la dhex gelinaya.

Lix iyo Toban: Xubin walba saddex goor dhaq

Waxaa xubin walba habboon in la dhaqo saddex goor, waxaana u daliil ah Xadiithkuu Muslim (مسلم) ka wariyay Cuthmaan (عثمان) inuu sifeeyey wayso qaadashada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna yiri:

“Saddex saddex ayuu dhaqay.”

Waxaa kaloo kamid ah xadiithka uu al-Tirmithi (الترمذي) ka wariyay Calii (علي):

“Inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saddex saddex dhaqay.”

Waxaa kaloo wariyay Axmad bin Xanbal (أحمد بن حنبل) iyo Al Nasaa’ii (النووي).

Toddobo iyo Toban: Isku xijinta dhaqidda xubnaha

Sidaas aan soo sheegnay ayaana wayso qaadashada la isugu xijinayaa, oo waxaa marka hore la dhaqayaa laba gacnood, kaddibna la luqluqanayaa, kaddibna la san daarsanayaa, kaddibna wajiga la dhaqayaa, kaddibna labada gacnood lagu xijinayaa, kaddibna madaxa gacanta biyo lala marinayaa, kaddibna labada dhegood, kaddibna labada lugood. In sidaas la isugu xijiyana waa waajib.

Siddeed iyo Toban: Ducada Inta La Wayso Qaadanayo

Intaad weyseysanaysid ku ducayso, oo dheh:

.“اللهم اغفر لي ذنبي، ووسع لي في داري، وبارك لي في رزقي”

…oo macneheedu yahay:

“Ilaahayow dambigayga ii dhaaf, gurigaygana ii waynee, rizqigaygana ii badi”.

Sagaal iyo Toban: Ducada Waysada Dabadeed

Markaad waysada kasoo jeesato ducayso waxaadna tiraahdaa:

أشْهَدُ أنْ لا إله إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لا شَرِيك لَهُ ، وأشْهَدُ أنَّ مُحَمَّداً عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ ، اللَّهُمَّ اجْعَلْنِي مِنَ التَوَّابِينَ ، واجْعَلْني مِنَ المُتَطَهِّرِينَ ،

.( سُبْحانَكَ اللَّهُمَّ وبِحَمْدِكَ ، أشْهَدُ أنْ لا إلهَ إِلاَّ أنْتَ ، أسْتَغْفِرُكَ وأتُوبُ إِلَيْكَ )

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Waxaan markhaati ka ahay inuusan jirin ilaah aan Ilaahay ahayn, waxaanna markhaati ka ahay inuu Muxammad – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa. Ilaahayow iga mid dhig kuwa tawbadda keena oo kuu soo noqda, waxaadna iga mid dhigtaa kuwa is daahiriya.”

Muslim (مسلم) wuxuu Xadiithkiisa laba boqol afar iyo soddon Cuqbah bin Caamir (عقبة بن عامر) uga wariyay inuu yiri:

“Waxaan kaltan u geli jirnay raacidda geela (zakada) markaasaa waxaa timid meertadayda. Markaasaan galabtii markay tahay soo celiyay. Markaasaan waxaan kasoo gaaray Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo taagan oo dadka u warramaya. Markaasaan waxaan soo gaaray isagoo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam leh:

” مَا مِنْ مُسْلِمٍ يَتَوَضَّأُ ، فَيُحْسِنُ وُضُوءَهُ ، ثُمَّ يَقُومُ فَيُصَلِّي رَكْعَتَيْنِ ، مُقْبِلٌ عَلَيْهِمَا بِقَلْبِهِ وَوَجْهِهِ ، إِلَّا وَجَبَتْ لَهُ الْجَنَّةُ “

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ma jiro qof muslin ah oo wayso qaata oo si fiican u wayso qaata, kaddibna tukada laba rakco isagoo qalbigiisu joogo oo wuxuu leeyahay dareensan oo uusan qalbigiisu meel kale jirin iyo wajigiisuba, oo aan meel kale u jeesanayan, ee waa tay illaa jannadu waajib u noqoto.”

Markaasaan waxaan iri:

“Maxaa taas ka deeqsisan?!”

Markaasuu nin horteyda ku sugnaa wuxuu yiri:

“Waxaa ka deeqsisanayd hadalka kaas ka horreeyey.”

Markaasan dhugtay mase waaba Cumar (عمر) oo yiri:

“Waxaan u jedaa inaad hadda timid, wuxuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam hore u yiri:

:عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال

(مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ يَتَوَضَّأُ فَيُبْلِغُ أَوْ فَيُسْبِغُ الْوَضُوءَ ثُمَّ يَقُولُ : أَشْهَدُ أَنْ لا إِلَهَ إِلا اللَّهُ وَحْدَهُ لا شَرِيكَ لَهُ ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ ، إِلا فُتِحَتْ لَهُ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ الثَّمَانِيَةُ يَدْخُلُ مِنْ أَيِّهَا شَاءَ ) رواه مسلم

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ma jiro axad adinka idinka mid ah oo waysaysta oo wayso qaadashada taam ka dhiga kaddibna yiraahda “ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa sh-hadu anna Muxammadan CabduHu wa RasuuluHu” waa illaa midka loo furo irdaha jannada oo sideedda ah oo uu markaas ka galo tii uu doono.”

Riwaayada Al Tirmithii (الترمذي) ee isla Xadiithkaan, waana Xadiithkiisa shan iyo konotn, waxay intaas ku dartay:

.”اللهم اجعلني من التوابين واجعلني من المتطهرين”

“Ilaahayow iga mid dhig kuwa tawbadda keena oo kuu soo noqda, waxaadna iga mid dhigtaa kuwa is daahiriya.”

Qaar kamid ah ducooyinka wanaagsan in lagu ducaysto weysada kadib:

( أشْهَدُ أنْ لا إله إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لا شَرِيك لَهُ ، وأشْهَدُ أنَّ مُحَمَّداً عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ ، اللَّهُمَّ اجْعَلْنِي مِنَ التَوَّابِينَ ، واجْعَلْني مِنَ المُتَطَهِّرِينَ ، سُبْحانَكَ اللَّهُمَّ وبِحَمْدِكَ ، أشْهَدُ أنْ لا إلهَ إِلاَّ أنْتَ ، أسْتَغْفِرُكَ وأتُوبُ إِلَيْكَ

أَشْهَدُ أَنْ لا إِلَهَ إِلا اللَّهُ وَحْدَهُ لا شَرِيكَ لَهُ ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ ، إِلا فُتِحَتْ لَهُ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ الثَّمَانِيَةُ يَدْخُلُ مِنْ أَيِّهَا شَاءَ ) رواه مسلم

سُبْحانَكَ اللَّهُمَّ وبِحَمْدِكَ ، أشْهَدُ أنْ لا إلهَ إِلاَّ أنْتَ ، أسْتَغْفِرُكَ وأتُوبُ إِلَيْكَ ) .‏

Sidaasuu ku dhammaaday kitaabka waysada wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidina wa Mawlaanaa wa Shafiicinaa Muxammdin wa Calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam tasliiman kathiiran. Sidaasuu kitaabkaan noogu dhammaaday waxaanna ku gunaanadaynnaa annagoo leh…

الحمد لله رب العالمين، والثناء لله، أستعينه وأستهديه، و أستغفره وأتوب إليه، وأشهد أن لاإله إلا الله وحده لاشريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما صليت على سيدنا إبراهيم وعلى سيدنا إبراهيم وبارك على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على سيدنا إبراهيم وعلى آل سيدنا إبراهيم في العالمين إنك حميد مجيد.

Waxaa qoray oo diyaariyay:
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

Up ↑

%d bloggers like this: